Taleex iyo Hamiga Soomaali
Kalajarka dhulka soomaaliyeed, Taleex iyo Cilmul- Falagga
Cilmul-falagga aqoon yahannada ku xeel dheer waxay yiraahdeen waxaa jira xidig kamida meereyaasha samaawaadka, wuxuu leeyahay calaamad u eg lax ama sabeen aan geesa lahayn, Sabeentaas waxaa afka laatiinka loo yaqaan Aries, Carabigana waa Hamal (sheep, Gentle, merciful), afka yuhuuda waxaa loo yaqaan Taleh taas oo macneheedu yahay laxdii horay loo diray. Waxaa kale oo xidigaas uu calaamad u yahay inaad sadaqo labaxdid si aad wax saxa u sameysid, wuxuu kaloo calaamad u yahay boqortinimo, madaxtinimo, markii laxdaas laqalo ama lagawraco waxaa lahelayaa awood, maal aduunyo, garasho, awood, magac iyo guul, Markii aad neefkaas laxda ah sadaqeysatid waxaad heleysaa xukun weyn oo mudo dheer jira.
Kala jarkii koowaad ee dhulka Soomaaliyeed waxaa lagu soo koobaa 1880 illaa iyo 1941 waqtigii dagaalkii labaad lagu jiray (The first imperial partition of Somalia 1880-1941). Waxaynu ognahay in ay taleex tahay xaruntii halgankii gobonimadoonka, hoygii Daraawish iyo Mohamed Abdulle Hassan.
Kala qaqybintii labaad waxay ahayd 1941, waxayna ku ekayd ilaa iyo 1960: markii xornimada ay qaateen laba qaybood oo kamida shantii qaybood oo loo kala qabiyey dhulka Soomaalida. Waxaynu ognahay hadii aysan jirin xisbigii USP(United Somali Party) uu madaxda ka ahaa Garaad Cali Garaad Jaamac oo kasoo jeeda aagaas Taleex in waqooyi Soomaaliya ay dawlad gooniya noqon lahayd sida Jabuuti.
Kala qaybintii sadexaad waxay dhacday 1991 markii labadii qaybood ee isutagay 1960 qayb kamida ay tiri waan goosanay. Waxaa hortaagan kala qaybintaas waa Taleex oo diiday iney qaadato maal aduunyo, madaxtinimo maangaab. Malaha Taleex iyo waxay noqon doonto waa mid ka fog maanka iyo aragtida qofeed ee aduunka maanta, kan baritana allaa og. Dhacdooyinka taariikheed waxay muujineysaa meel aan lasoo koobi Karin taarikhda ay ku fadhido, una baahan baadigoob cilmiyeed oo laraadiyo sida kalmada Taleex oo afka yuhuuda loo yaqaqaan Taleh (Laxda ama sabeenta).
Badhawe Aden Hussein
Hussein_26@hotmal.com