Website-ka Dhismo ayaan ku wadnaa soo booqo Dhawaan
Daawo+Sawiro Cajiib ah:- Bilicda magaalada Taleex iyo Goobahii taarikhiga ahaa Ee magaaladaas(By-Cadnaan Saalax)
Wacan Oo wanaag san Akhristayaasha Shabakada Caalamiga ah Ee afbakayle.com, Sidaan Horayba idin ku balan qaadnay Inaan idiin soo gudbino muuqaalo kala gadisan oo aan idin kasooqadayno magaalooyinka soomaliya iyo waliba Goobaha Taariikhiga ah ee ay ku duugaan tahay Halgankii Kala Gadisanaa ee Daraawiishta.
Hadaba Waxaan maanta Halkan idin kusoo gudbinaynaa Sawiro ah magaalada taariikheedka taleex oo iyadu ahayd hoygii Gobanimo doonka umada Soomaliyeed, kaas oo lagaga soo horjeeday isticmaarkii Gumaystaha ahaa ee Ingiriiska iyo talyaaniga.
Magaalada Taleex ayaa iyadu xudun u ahayd halgankii Lagaga soohorjeeday gumaysiga,sanadiihii 1895 ilaa 1821kii waxay ahay mudo dheer oo ciidamada Daraawiisheed u horkacayay alle janadiisa Fardowsa haka waraabiyee Sayid maxamed Cabdule Xasan hagan dheer uu kulajiray isticmaarkii kusoo duulay Dalka soomaaliya ee kii Ingiriiska,kii talyaaniga iyo Xabashida,
Waxaana uu Sayidku uu xarun kadhigtay magaalada taleex Ee iadu katisan gobolka sool, Sababaha uu markaas uu sayidku u eexaystay inay taleex ay noqoto Xarunta Daraawiishta, ayaa waxay ahayd Deegaanka taleex oo ka tirsan Deegaanka Nugaasha ayaa nugaal waxay ahayd meel nugaali ku fiican Gamaanka Fardood oo xiligaa qayb wayn ka qadan jiray Dagalaada, waxa kale oo soodhaweyay oo uu qaraabaysanayay Sayidku Abtiyaashii oo dagaanaa Deegaankaas.
Waxaa in badan oo kamid ah dadka Degan Degmada taleex ay og yihiin inbadan marka lasooqaado daaraha caanka ah ee uu Sayid maxamed Cabdule Xasan Uu Ka dhisay Magaalada Taleex oo ay kamid yihiin Silsilad,Falaad,Daar ilaalo iyo Waliba Daar cad ay markaas dugsanayaan Taariikh Wayn.
Waxaa kale oo markaas reer taleex ogyihiin ama ay xasuustaan ingoobahaas lagu hirdamay ay daraawiishi kala hortagtay halkagankii hubaysnaa ee ay isticmaar kula jireen oo ay kamid yihiin Fardhidin,Afbakayle,Beerdhiga,Cagaarweyne,daratoole, Taargooye, Jidbaale iyo Jiidali iyo waliba Midhishi. goobtaas lagaga duulayay ingiris iyo xulufadiisaba magagaalada faca Weyn Ee Taleex.
Sikastaba ha ahaatee waxaa magaalada taleex ka muuqda markasta ama marka aad soogashid sarihii dhaadheeraa ee halkaas ay kadhiseen Xoogagii Daraawiish in kasto ay diyaaradahii DH9 looyaqanay ay bamgareeyeen madaafiif iyo Gildhigaan xoogleh Lala Dhacay misana Sarahaasi maysan liicin waxayna u dhisan yihin sidii Loodhisay, inkastoo aynaan jirin cid dayactir ku samaysay Taariikhdaa Maguurtada ah Ee shacabka Soomaaliyeed ay iska leeyihiin, misana Dadka reer taleex waxay ku hamiyaan inay dhalan doonto Dawlad iyadu goobahaas Caanka ah Dayactirta.
Sayid maxamed Goobaha Malitariga uun kaliya ma uu dhisin ee ay daraawiish kaga duuli jirtay Cawdga Gumaysataha ahaa ee waxa kale oo uu dhisay Talooyin ay ku asanyihiin Qaarkatisan qoyskiisa iyo Culumo awdiin iyo qaar katisan Qaadiyaashii daraawiishta markaas diinta barijiray.
Sikataabe ha ahaatee magaalada Taleex oo iyadu ahayd Goobti Marti galisay Shirkii khaatumo2 oo lagu soodhisay maamulka hada ka arimiya Deegaanada SSC, kaas oo ay isugu yimadeen aqoonyahanada iyo waxgaradka Beesha Dhulbahante, maamulkaas oo lagu magcaabo khaatumo State of somaliya
Waxaa Diyaariyay
Cadnaan Saalax maxamed
Cartan81@hotmail.com
Afbakaylenews@gmail.com
Sawir Qaade Yuusuf Cabdi Dheere
>>>>> GABAY LA MAGAC BAXAY Halaag??????
1 Hayaag iyo wacays aadan’baan cidi horjoogayne
2 Hamran maayo reer Cali hadii hawd la reeraro’e
3 Hanaddada Cigaal Naalayaan lagu haggaagayne
.
4 Haamahakalee Odala iyo hurrimadii Aadan
5 Hindida Maxamed muusiyo Yaxyaa huriya baaruude
6 Hagar iyo dagaal khaalid galay haadku gabasleeye
.
7 Haraad iyo sidii aar inbadan gaajo hogan waayey
8 Oo geel habeensaday heloo halla irmaan laayey
9 Oo daribta haan fiirayaan weli hamuun beelin
.
10 Hunguri’baan wedkiisa arkin iyo qodaxda hoostaale
11 Hadhaagiyo dhurwaagii isyidhi aad hambada dhawrto
12 Haduu kugu hammaansado darwiish hiilan dirriraaya
13 Haadaan inaad jiidhaysaan hubanti weeyaane
.
14 Hargeysa iyo nimankii Burciyo huunadii Gebiley
15 Heedadawga iyo wiilshii haddadu noo keentay
16 Hagar daamadii gaadhay iyo halisti loo geystey
.
17 Iidoor halaag baa ku dhacay hawlgalkii shalaye
18 Hadhka galay hujuumkii ahaa lagu halaakeeye
19 Hiirtiyo arroortii markale holoc la leefsiiye
.
20 Harreeraha markii lagaga riday laguna hayl haylay
21 Hanqadh iyo sidii jibin markay hinninigtii yeedhay
22 Hugunkii rasaastiyo jugtii fuley na’hayn waayey
.
23 Labajeer markii la huwiyoo loogu dhigay hoosta
24 Hanfarriirka iyo baydadkay huga ka yaaceene
25 Habaas iyo waxay ku hafiyeen heego iyo boodhe
.
26 Hadaa hawdka laga daydayaa haydhafkii lumaye
27 Habaw’gooda iyo fiigihiyo hadafku waa mooshe
28 Hargeysiyo burcaa lagu hayaa habaq lahoodiiye
.
29 Haadkiyo waraabuhu ka dhereg hebela doodiiye
30 Hogii boqolka lagu aasay iyo hallalka dheeraaday
31 Hagoogane waxay kaga tageen hurimo waa weyne
.
32 Ka hantiye waxbadanay hayeen hogoshka iidoore
33 Hayinkay wateen iyo hubkii qaar la soo hadhe’e
34 Hadeeray iswada hiifiyoo’ ciil hamiyayaane
.
35 Heliwaaye taladii haday hubin lahaayeene
36 Hadhuub’kiisu nimu buuxsamaan laba haleelsiine
37 Hadoodaa dhamaataye malaha nama haweys teene
.
38 Hadhsi iyo habeen iyo markii hoyasha loo diidey
39 Hujuun iyo markii weerrar uun lagu harraad siiyey
30 Ka hulleeshay Soomaaliland hawd intay timiye
.
40 Inkastaanay haamaha kaliyo Cali ka hoosaynin
41 Oo aan halkay kaa xigaan dhaxani kaa haynin
42 Hawd lagama faaneen hadaan Hagar u noolayne
.
43 Horweyn laguma foofsheen taniyo haradda ciidde
44 Hanadaa illaahay kadhigay aad isku hallayne
45 Harreeraha kadhaaf cadowgu oo ma hungurreeyaane
.
46 Huda dhexe qolyihi yiiley male hiil u dirrirkiiye
47 Hakad bay galeen labada reer oo halkaa dega’e
48 Hawl kuma qabaan cadowgu iyo inay halgaadaane
49 Marse hadii Qayaad la’is herdiyo waa Hidleer kacaye
50 Labadaba hankii aan u qabay hoos usoo noqoye
.
51 Hoos iyo hadii aan Nugaal yarehe hoommaayo
52 Hilba dirririwaa Jaamacii noo horrayn jiraye
53 Haybkale sidii uu yuhuu naga horjeedaaye
.
54 Ma haboona meeshay warmaha kula haggaageene
55 Waxkastay hibteen maanta way marin habbaabeene
56 Halka ay hayaanka u rarteen waa habeen dhixide
57 Iyagana hankii aan u qabay lagurid hoobaaqe
.
58 Hadhuudhkiyo Ugaadhyahan kabadan hiisha dooxada,e
59 Hindi iyo waxaa lagu meslaa haatan shiinaha’e
60 Hungo maaha duul buu fakhrigu lugaha haystaaye
61 Hanti bay hayaan oo qabiil hodona weeyaane
.
62 Hayeeshee ka toosaay hurdada haatan laga waaye
64 Hebed bay noqdeen nimanki aan ugu han weynaaye
63 Habisaa la saaraye Burcay hanan lahaayeene
55 Hubka qaata kala quustay iyo tuura heeryada’e.
.
56 Hubsashaa Ugaasyiyo Qayaad looga dhigay hawle.
57 Hungurigaan u qabay Cumar Wacays waa hallaan jirine
58 Hiil haday lahaayeen hadeer gabe hakoodiiye.
69 Hagrashaa Nugaaleey jirtee laguma hays teene.
a .xarago xafiiska wararka ee Birmingham
hurreaxmed@yahoo.co.uk
DAAWO:-“Hees Cusub”: Oo Loo Sameeyay Madaxwaynaha, Raysalwasaraha, iyo Gudonka Baarlamanka & Fanaanda Qarnigan Ee “Hibaaq” (Top Video)
Abwaanada / Fanaanada, Qaran ee Qarnigan Hibaaq Maxamed oo eebe Kumanaystay hal abuurka & Dareenka Wadaniyeed oo Dhawaan Soo Saartay Heeso Siwayn Ula dhaceen Umada Soomaaliyeed Kagana Hadashay marxaladihii Dalku Soo Maray.
Ayaa Soo Saartay Hees Cusub oo Ay Uqaaday Madaxwayne Xasan Sheekh Maxauud, Rayasal Wasaare C/ Faarax Shirdoon “Saacid” , & Guudoomiyaha Barlamaanka Pro-Jawaari , Waana Erayadii iyo laxankii abwaanada / FanaanadaHibaaq maxamed Cabdullahi.
HALKAN RIIX OO DAAWO HEES AAD UMACAAN
(Maqaal) Maxay Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Laga Furay Magaalada Buuhoodle Ay Kusoo Kordhin Kartaa Waxbarashada Gobolka Cayn?
Tan iyo markii ay daaqada ka baxday Dowlladii dhexe ee Dalka Soomaaliya ee uu majaraha u hayey Eebe naxariistii jano haka waraabiyee Jaale Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa uu dalku galay marxalad ka duwan tii hore uu ugu jiray waxaana dalka ka dhacay dagaalo sokeeye oo aad u daba dheeraaday, iyagoona dagaaladaasi ay ku barakaceen in ka badan kumanaan dad ah kuwaas oo iyagu qarooxi ku galay dalalka aanu dariska lanahay iyo dalal badan oo caalamka ka tirsan, waxaana hubaal ah in dad badan oo iyagu dalka ku suganaa muddadii bur burka ahayd ay dagaaladaasi ku reebeen saamayn weyn.
Hadab iyada oo ay dhibaata kasta ay jirto dalkuna marxalado kala duwan uu soo maray mustaqbalka dalku uu kusii socday hoodaan ama hog dheer ayaa hadana waxaa jiray dadaalo xoogan oo ay dad badani ka muujiyeen dalka isla markaasna wax badan kusoo kordhiyey dalka hadii ay tahay tayeynta waxbarashada iyo kor u qaadisteedaba iyo sidoo kale hirgalinta mashaaciir horumarineed.
Gobolka Cayn waxa uu kamid yahay Gobolada ama Deegaanada dhaca ama ku yaal Waqooyiga Dalka Soomaaliya, waxa uuna ka kooban yahay Degmooyin, Tuulooyin, iyo Waliba Dhul daaqsimeed balaadhan. Sidoo kale Degmooyinka Gobolka Cayn ama Deegaano ka tirsan waxa ay xuduud la leeyihiin ama xad la wadaagaan Dalka Itoobiya.
Tan iyo markii laga xoreeyey guud ahaan dalka soomaaliya gumaystayaashii reer galbeedka ahaa ma jirin wax jaamacad ah oo laga hirgaliyey Deegaanka Buuhoodle ama guud ahaan Gobolka Cayn waxaana Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay Deegaanka Buuhoodle uga tagtay Hal Dugsi sare iyo Labo Dugsi Hoose/Dhexe oo kaliya.
Hadaba koror aqooneed iyo baahiyo kala duwan oo dhanka aqoon kororsiga ah kadib waxaa lagu guulaystay in Magaalada Buuhoodle oo kaliya laga hirgaliyo 4 Machad oo lagu barto diinta iyo dugsi sare. Sidoo kale waxaa deegaano badan oo ku hareeraysan iyagana laga hirgaliyey dugsiyo hoose/dhexe iyo kuwa sare. Hadaba aqoonyahano kasoo jeeda gobolka cayn oo garab ka helaya aqoonyahano soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay in Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn laga hirgaliyo Jaamacada Bariga Afrika Farac ka tirsan, iyadoona faracan laga hirgaliyey Magaalada Buuhoodle uu ka kooban yahay kuliyado kala duwan.
Su’aasha meesha taala ayaa waxay tahay Maxay Jaamacada Bariga Afrika faraceeda laga furay Magaalada Buuhoodle ay kusoo kordhin kartaa waxbarashada gobolka cayn?
Waxaa hubaal ah in dad badani ay su’aashan ka muujin lahaayeen ama ay ka bixin lahaayeen afkaaro kala duwan, waxaana xaqiiq ah in tayada waxbarashada gobolka cayn ay wax badan iska dabali doonto jaamacadanina ay wax badana kusoo kordhi doonto.
Jamaaacada Bariaga Afrika faraceedan laga furay Magaalada Buuhoodle waxa uu wax badan ka saacidi doonaa kumanaan arday ah oo ka kala soo baxaysay dugsiyada sar sare ee deegaano badan oo ka tirsan gobolka cayn in ay san ka wal wali doonin halka ay Jaamacad u doonan lahaayeen ama ay u raad san lahaayeen si ay aqoontooda u koror sadaan oo ay kor ugu sii qaadaan maadaama dagalkii ama deegaankii ay ku noolaayeen laga hirgaliyey Jaamacad dhamaystiran oo ka caawin doontaa kor u qaadista tayadooda waxbarasho.
Sidee ku timi hirgalinta Jaamacadani laga hirgaliyey Magaalada Buuhoodle?
Waxaa xusid mudan in dad badan oo aqoonyahano ah ay wakhti badan ku lumiyeen hirgalinta Jaamacadani, waxaana xusid gaar ah mudan dadka sida weyn uga qayb qaatay hirgalinteeda hadii ay tahay isku dubaridkeeda iyo maal galinteedaba. Waxaana la dhihi karaa Jaamacadani waa mid ku timi afkaar badan ama fikrado kasoo maaxday aqoonyahano, kuwaas oo iyagu muhiimada siinayey sidii ay dhalinta waxbarataa u heli lahayd waxbarasho tayeysan oo gaadhsiisan heer Jaamacadeed.
Shakhsiyaadkaas ama aqoonyahanadaasi maha kuwa ka fakarayey sidii ay u heli lahaayeen dakhli balse waa kuwa ay u muuqatay baahida ka baagan xiligan gobolka cayn oo ah sidii loo heli lahaa Jaamacad dhamaystiran maadaama ay jiraan arday badan oo iyagu ku kala daadsan gudaha gobolka cayn, kuwaas oo aan iyagu helin Jaamacado si ay aqoontoodii u sii korar sadaan halka kuwii iyagu awoodayey ay u waxbarasho doonteen deegaanada kale ee soomaaliyeed iyo Jaamacadaha kale ee ku yaal dalka debadiisa.
Bur bur badan kadib waxaan dhihi karaa waxaa horumar balaadhan laga gaadhay dhanka waxbarashada waxaana si weyn loo fahmay in ay waxbarashadu tahay furaha nolosha.
Maxaa looga baahan yahay bulsha weynta ku dhaqan gobolka cayn si ay uga qayb qaataan taaba gelinta Jaamacadani?
Bulsha weynta ku dhaqan gobolka cayn ayaa si weyn looga dhur sugiyaa in ay wax badan kusoo kordhiyaan Jaamacadani si horumar balaadhan looga gaadho dhan walba maadaama Jaamacadani ay tahay midii ugu horaysay ee laga hirgaliyey deegaankani, runtii waxaa wacan in wax badan laga saacido Jaamacada waayo guriga ay Jaamacadu ay haatan ku jirto waa mid loogu balan qaaday in ay kusii wadato hawlaheeda mudo bilo ah waxaana sidoo kale jirta in Jaamacada gurigeedii rasmiga ahaa uu haatan yahay mid qabyaa isla mar kaasna ay wacan tahay in laga qayb qaato dhamaystirkiisa.
Ugu dambayntii waa maxay rajada maamulka sare ee Jaamacada Bariga Afrika faraceeda magaalada buuhoodle?
Cid waliba waxa ay leedahay rajo maamulka Jaamacaduna waxa uu leeyahay rajo laakiin ma aha mid inoo wada muuqata dhamaanteen waayo rajada aynu ku jirno iyo tay ku jiraan waa kala labo waxaana iyaga u muuqda markasta waxa taagan ee haatan xaadirka ah ee dhanka waxbarashada ah waxaana il gooni ah ay u eegayaan sidii ay u maarayn lahaayeen baahiyaha waxbarasho ee deegaanka ka taagan, waxayna si weyn uga war warayaan in arday ay waxbareen uu berito ka maalin uu san noqon mid mustaqbalkiisu xumaado waxaana u sumcad iyo sharafba u ah in dadka warbarataa la yiraahdo ninkan aqoonyahanka ah ama gabadhan aqoonta leh xagay kasoo baxeen oo ay wax kusoo barateen.
Waxaana ugu dambayntii si gaar ah ugu mahad celinayaa alle oo ii ogolaaday in aan maqaalkani aan soo gudbiyo, waxaana sidoo kale u mahad celinayaa maamulka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda laga furay magaalada buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali.
Hadaba cidii jecel in ay la xidhiidho maamulka Jaamacada Bariga Afrika faraceeda laga furay magaalada buuhoodle Dr. C/shaafi Axmed Cali waxa uu ka heli karaa Tell:- 00252 24369898.
W/ Qoray Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
DAAWO:-Xiddigta Nimco Dareen oo mar kale soo saartay Muqaal faneed ay ka daba dheceen dhalinta Soomaalida.
Al-fanaanad Nimco dareen ayaa Toddobaadkan gudihiisa waxa ay saartay heesta cusub ee la yiraahdo Nabsi, Muqaalka waxaa ka dhex Muuqda wiilka Raapka Ilkacase Waxaana Muqaalkaan uu noqdey mid ay Soomaalida ka daba dhacday
HALKAN RIIX OO DAAWO HEES MACAAN.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com
Tahniyad Meher Mudane C/raxmaan Wadani Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Maxamed
- Hooyo Saafi Xaaji Cawil Axmed
- Hooyo Haweeya Axmed Olol
- Hooyo Kiin Faarax Gucuri
- Aabe Jaamac Xaashi Warsame
- Adeer C/laahi Xaashi Warsame
- Adeer Maxamed Xaashi Warsme
- Adeer Abshir Xaashi Warsame
- Adeer Xuseen Muuse Maxamed
- Adeer C/kariin Muuse Maxamed
- Adeer Guulwade Muuse Maxamed
- Adeer Daroor Muuse Maxamed
- Adeer Saleebaan Faarax Maxamed (Shanfool)
- Adeer C/raxmaan Faarax Maxamed (Heegaale)
- Abti Cali Xaaji Cawil Axmed
- Abti Diiriye Xaaji Cawil Axmed
- Abti Ibraahim Xaaji Cawil Axmed
- Abti Maxamuud Xaaji Cawil Axmed
- Abti Saleebaan Geele Axmed
- Abti C/risaaq Axmed Olol
- Abti C/laahi Axmed Olol
- Caasha Jaamac Xaashi (Caasha Hoodo)
- Xaliimo Jaamac Xaashi
- Aamina Jaamac Xaashi (Aamina Bood)
- Xiis Jaamac Xaashi
- Deeqa Jaamac Xaashi
- Aadan Abshir Xaashi
- Maxamed Abshir Xaashi
- Khadra Abshir Xaashi
- Xuseen Maxamed Xaashi
- Eedo Nimco Muuse Maxamed
- Eedo Hibo Muuse Maxamed
- Basma Cumar Jaamac
- Mubraak Cumar Jaamac
- Caydaruus Cumar Jaamac
- Muna Maxamed Cismaan
- Nasteexo Maxamed Cali
Sidoo kale waxaa tahniyad tan la mid ah iyana halkan ka diriya hawl wadeenada ka hawlgala Idaacadaha kala ah VOA, Daljir, Goob Joog, STN, Risaal, Dalsan iyo Tv-yada kala ah Somalichannel, Somalisat, Horn Cable Tv, Royal Tv, iyo Universal Tv. Sidoo kale waxaa iyana isla tahniyad aan ka maqnayn hawl wadeenada ka hawlgala Shabaddaha wararka ee kala Horufadhi.com, Saafifilms.com, Allssc.com, Nugaalmedia.com, Laanta.net, Allgaalkacyo.com, WidhWidh.com, Boocame.com, iyo Jornalizem.com.
- Maxamuud Mascade
- Nuux Muuse Birjeeb
- Axmed Xuseen (Axmed Tayo)
- Sahra Ciidle Nuur
- Khadar Cawl Ismaaciil
- C/raxmaan Xuseen Xasan ‘Gaardi’
- Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali
- Maslax Mukhtaar Daahir ‘Dangarad’
- Cabdirisaaq Cali Cabdi ‘Silver’
- Muxiyadiin Cabdi Geelle
- Maxamed Salaad Maxamed (Maxamed Dheere)
- Bashiir Yuusuf Nadaara
- Axmed Sh Maxamed Tallman
- C/fataax Cumar Geeddi
- Cabdi Xasan Rooble ‘Awoowe’
- Cabdilaahi Maxamed Cali ‘Suldaan’
- Mawliid Maxamed Cali ‘Aqoobey’
- Yaasiin Maxamed Cali ‘Ducaysane’
- Maxamed Maxamuud Welcome
- Maxamed Cali Bille
- Axmed Maxamed Nadiif
- Farxiya Xuseen Maxamed
- Sucaad Mire Maxamed
- Maxamed Muuse Maxamed
- Xasan Abukar Cali ‘Baydhabo’
- Cali Cabdulqaadir Cali ‘Maykal’
- Faysal Axmed Kaarshe
- Axmed Cali Faarax
- Faysal Jaamac Aadan
- Maxamed Shaqale Cashuur
- Xamse Xasan Geele
- C/raxmaan Cali Ducaale
- Cali Yuusuf Axmed (Cali Hadhiye)
- Maxamed Cismaan C/ Nuur Xaashi
- Maxamuud Saleebaan Iidle
- Axmed C/qaadir Jabaan ( Axmed Darwiish)
- Axmed Maxamed Nadiif
- Najiib C/weli C/xiis
- C/kariin Olol
- Maxamed Cali Bile
- C/nuur Maxamed Ciro
- Xasan Dubad Ibraahim
- Maxamuud Salaad Madaxey
- Yuusuf C/ Xasan Cadde (Yuusuf Dheere)
- Rasmi Xeeboow
- Maxamud Carab
- Abukar Xashara
- C/fataax Roosaana
- Khadar Maxamuud Xareed
- Jaamac Axmed Cali (Joofane)
- Farxiya Cabdale Maxamed
- Maxamed C/ Afgooye
- Cadnaan Saalax Maxamed
- Rashiid C/Hiirad (Kalshaale)
- Maxamed Faarax Coomaade
- Abwaan Maxamuud Koofiye
- Abwaan C/salaan C/laahi Jaciir
- Yuusuf Abukar (Kaynaan)
- C/fataax Cali Xirsi
Dhamaan dadkani iyo asxaabtani oo kala jooga gudaha Dalka iyo Debadiisaba waxa ay tahniyad meher ah ay u dirayaan Wariye C/raxmaan Jaamac Xaashi (C/raxmaan Wadani) Marwadiisa Hodan Muuse Maxamed (Hodan Tima weyne) oo meherkooda ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn 1/11/2012.
Hadaba waxaanu leenahay gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax noqda kuwa isku waara oo u bad khayr qabana kala hela.
Aamin Aamin Aamin……………………….
Soomaali Badan oo Maalin Walba ka Tagaya Dalka Kenya (Xagee Aadayaan)?
Tan iyo markii dowladda Kenya ay ku amartay Soomaalida ku nool dalkeeda inay isaga baxaan magaalooyinka oo ay aadaan xeryaha qaxootiga, waxaa kororay tirada dadka u laabanaya Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa Warbaahinta u sheegay in dad lagu qiyaasay 400 oo qof ay maalin kasta ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport, kuwaasoo dib ugu laabanaya Soomaaliya.
Maxamed Barre Maxamuud oo ka shaqeeya mid ka mid ah shirkadaha duullimaadyada qaabilsan oo lagu magacaabo Africa Crown World Travel ayaa sheegay isku celceliska tirada dadka dib ugu noqday Soomaaliya labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku tilmaamay ilaa 9,000 oo qof.
Maxamed wuxuu sheegay inuusan isbeddel ku imaan sicirka duullimaadyada, wuxuuna xusay in dad badan oo Soomaali ah ay dib ugu noqonayeen dalka xataa ka hor intaysan Kenya amarka soo saarin.
Qaar ka mid ah dadka aan awoodin inay diyaarado ku safraan ayuu sheegay inay raacaan baabuur aadda Soomaaliya.
Waxaa kaloo jira Soomaali u dhoofaysa dalalka deriska la ah Kenya sida Uganda iyo Tanzania, halka kuwa kale oo ka yimid dalalka reer Galbeedka ay dib ugu noqonayaan meelihii ay ka yimaadeen.
Amarka Kenya ay ku bixisay inay Soomaalida uga baxaan magaalooyinka waa-weyn ayaa saameyn xooggan ku yeeshay ganacsiga xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalidu ku badan tahay.
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada ku yaalla Eastleigh ayaa sheegay inuu hoos-u dhac xooggan soo gaaray ganacsigooda, taasoo ay sheegeen inay ka dambeyso falalka ammaan darrada ah ee ku sii kordhaya xaafadda iyo howlgallada milateriga iyo booliska Kenya ay ka wadaan halkaas oo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka Soomaalida ee qaxootiga ah.
ABWAAN MAXAMED JAAMAC HIIRAD OO U DHASHAY DEGAANKA KHAATUMO EE CEERIGAABO OO MAANSADAN U TIRIYEY SNM GAAR AHAAN KULMIYE
Waxaan Aamusnaado
Afka Hadal ka Dhawraba
Sida Geel Abaarti
Uumiga Kaliileed
Oon Iyo Haraad Qaba
Aramida Na Saaqdiyo
Urugada Dalkeenan
La Adkaysan Waaye
Odhaahdiyo Tusaalaha
Bulshyhay U Fiirsada
Waxan Uga Gol leyahay
Marka Hore Aduunyada
Maalintuu Ilaahay
Alkumee Qotomiyee
Iridaha U Taaguu
Kala Qaybshay Unkoo
Qof Kastaba Astaaniyo
Abuur Gaara Siiyoo
Aadamahu Sidiisaba
Aqoontiyo Nasiibkiyo
Ayaankaba Ku Kala Roon
Arartiyo Tusaalaha
Waxaan Uga Gol leeyahay
Dawladaha Aduunkiyo
Umadaha Tartmayee
Intifaac Barwaaqiyo
Istareexa Joogaa
Talay Ururiyeenoo
Aayahaa Ku Gaadhen
Odhaahdiyo Tusaalaha
Waxan Uga Goleeyahay
Xaajada Indheer Garad
Hadaan Loo Abaabulin
Garta Eexda Laga Jidin
Aafaa Ka Dhalatoo
Mar Baa Lagu Asqooba
Odhahdiyo Tusaalaha
Waxaan Uga Golleeyahay
Ilaysay Hasheeni
Irmaanayd Ee Darartee
Awrkeeda Wadataa
La Ilaashan Waayoo
Aqoon lai Daraaded
Igadh Maanta Joogta
Odhaahdiyo Tusaalaha
Aan Sii Iftiinshee
Arligay Isbedelayoo
Ugbaad Baan Sidnaayoo
Nimcaa Meel Ku Aabudhan
Kuwii Ku Andacoon jiray
Ma Albaabad Xidhad Bay
Orodkii Ka Dheefen
Afmiinshaa-radeenii
Ma Ugabo Meertiyo
Afkaa Juuqda Gabay Baa
Arintoodu Joogta
Weedhsamow Abeeskiyo
Abriska Iyo Weeraha
Idinkaa Gelbinayoo
Oogada Ku Qaadoo
Udurbaana Tumayee
Olalihii Jahaadkiyo
Olkadii Ciyaaraha
Ifa-faalaheedi
Ma Abaal Xumuu Dhalay
Hayeeshe Awaaraha
Iyo Eelka Muuqda
Waa Mid Oof-wareenoo
Urugooyin Wadatee
Eersada Codkiini
Ula Jeedka Maansada
Aan Sii Iftiinshe
Ruuxaan Agoontiyo
Danyartaba Ogaynoo
Arxankiyo Wanaagaba
Indhihiisu Qabanayn
Umadiyo Dalkiisana
Sidii Ul Iyo Diirkeed
Isku Duubni Ku Hagayn
Qaran Laguma Aamino
Aaway Daacadnimadii
Yaa Xaqii Afmeero
Dulmigana Abaabulay
Asqadiyo Wareerkiyo
Amankaaga Yaa Dhgay
Aramiga Laxawgana
Dalka Yaa U Adeegsaday
Asaasa yashii
Aduunkiyo Naftaba Huray
Ilintii Ma Laga Xidhay
Kay U Jiibinaayeen
Ma Ka Ootay Marinkii
Axdigii Ma Wacad Furay
Tabashiyo Ismaan Dhaaf
Ma Amaanadasay
Umadii Ku Sugan tahay
Aalahayow Adigaa Weyn
Daawo Ninkii weeraray xafladii dhaarinta R/wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga Oo Sitoosa Xabad Uladhacay dadbadan
Ninkii weeraray xafladii dhaarinta R/wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga oo lagu sheegay nin waalan oo weliba Qoslayay isaga oo dadka Rasaas la dhacaya.
Halkaan ka Daawo Ninkii weeraray xafladii dhaarinta R/wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga oo dadka Qosol & Rasaas iskugu daray
Guulihii dagaaladii Dawladii Daraawiish iyo Gumaystihii Raaciyada watay,{Taarkhii}.
Re: Victorian Total War; Faction / Unit Roster – A WIP
The Somali Dervish State
The Dervish State was an early 20th century Somali Muslim state that was established by Muhammad Abdullah Hassan, a religious leader who gathered Somali soldiers from across the Horn of Africa and united them into a loyal army known as the Dervishes. This Dervish army enabled Hassan to carve out a powerful state through conquest of lands claimed by the Somali Sultans, the Ethiopians and the European powers. The Dervish State acquired renown in the Islamic and Western worlds due to its resistance against the European empires of Britain and Italy. The Dervish forces successfully repulsed theBritish Empire in four military expeditions, and forced it to retreat to the coastal region.[1] As a result of its fame in the Middle East and Europe, the Dervish State was recognized as an ally by the Ottoman Empire and the German Empire. It also succeeded at outliving the Scramble for Africa, and remained throughout World War I the only independent Muslim power on the continent. After a quarter of a century of holding the British at bay, the Dervishes were finally defeated in 1920, when Britain for the first time in Africa used aeroplanes to bomb the Dervish capital of Taleex.
The Dervish army
The regular army (Maara-weyn) of the Dervish state was organised into seven regiments: Shiikh-yaale, Gola-weyne, Taar-gooye, Indha-badan, Miinanle, Dharbash and Rag-xun. Each regiment had its commander (muqaddim) and varied from between 1000 to 4000 men. A large para-military force was also drawn from the nomad population. Bodyguards (Gaarhaye) of Muhammad Abdullah Hassan and other senior members of the state were either freed slaves whom he had adopted as sons or riverine groups such as the Reer Baarre. The cavalry,for its part, numbered between 5000 and 10000 mounted horsemen, and the standing army was supplied with modern weapons such as rifles and maxim guns.
Capital
The Sayyid during his campaigns against the European and local powers built fortresses all over the Horn of Africa, and would move his armies from one city to another. In 1913, after the British withdrawal to the coast, the permanent capital and headquarters of the Dervishes was constructed at Taleh, a large walled town with fourteen fortresses. The main fortress, Silsilat, included a walled garden and a guard house. It became the residence ofMuhammad Abdullah Hassan, his wives, family, prominent Somali military leaders, and also hosted several Turkish, Yemeni and German dignitaries,architects, masons and arms manufacturers. A large area to the northeast of Taleh was used for cultivation, while the Dar Ilalo towers were used asgranaries. Several tombs were constructed by Muhammad Abdullah Hassan to honor his father, mother and prominent members from northern and southern Somalia. However, those that committed acts of treason, crimes or who had otherwise fallen out with the Dervish leader were sent to Hed Kaldig, the main execution arena.
The Dervish Flag
This Dervish state is called in the somali language, Somaliweyn, wich means Great Somalia.
Great Somalia includes the regions that are today called Djibouti, the Ogaden, and the NFD, Somaliland, Puntland and southern Somalia.Great Somalias Territory (under)
This Somali nation was allied with the ottoman empire and Germany, and they were at war with Britain, italy, Ethiopia, and a little war with france wich not many knows about.
Taariikh: Taleex iyo Hamiga Somaali, Macnaha Taleex barro
Taleex iyo Hamiga Soomaali
Kalajarka dhulka soomaaliyeed, Taleex iyo Cilmul- Falagga
Cilmul-falagga aqoon yahannada ku xeel dheer waxay yiraahdeen waxaa jira xidig kamida meereyaasha samaawaadka, wuxuu leeyahay calaamad u eg lax ama sabeen aan geesa lahayn, Sabeentaas waxaa afka laatiinka loo yaqaan Aries, Carabigana waa Hamal (sheep, Gentle, merciful), afka yuhuuda waxaa loo yaqaan Taleh taas oo macneheedu yahay laxdii horay loo diray. Waxaa kale oo xidigaas uu calaamad u yahay inaad sadaqo labaxdid si aad wax saxa u sameysid, wuxuu kaloo calaamad u yahay boqortinimo, madaxtinimo, markii laxdaas laqalo ama lagawraco waxaa lahelayaa awood, maal aduunyo, garasho, awood, magac iyo guul, Markii aad neefkaas laxda ah sadaqeysatid waxaad heleysaa xukun weyn oo mudo dheer jira.
Kala jarkii koowaad ee dhulka Soomaaliyeed waxaa lagu soo koobaa 1880 illaa iyo 1941 waqtigii dagaalkii labaad lagu jiray (The first imperial partition of Somalia 1880-1941). Waxaynu ognahay in ay taleex tahay xaruntii halgankii gobonimadoonka, hoygii Daraawish iyo Mohamed Abdulle Hassan.
Kala qaqybintii labaad waxay ahayd 1941, waxayna ku ekayd ilaa iyo 1960: markii xornimada ay qaateen laba qaybood oo kamida shantii qaybood oo loo kala qabiyey dhulka Soomaalida. Waxaynu ognahay hadii aysan jirin xisbigii USP(United Somali Party) uu madaxda ka ahaa Garaad Cali Garaad Jaamac oo kasoo jeeda aagaas Taleex in waqooyi Soomaaliya ay dawlad gooniya noqon lahayd sida Jabuuti.
Kala qaybintii sadexaad waxay dhacday 1991 markii labadii qaybood ee isutagay 1960 qayb kamida ay tiri waan goosanay. Waxaa hortaagan kala qaybintaas waa Taleex oo diiday iney qaadato maal aduunyo, madaxtinimo maangaab. Malaha Taleex iyo waxay noqon doonto waa mid ka fog maanka iyo aragtida qofeed ee aduunka maanta, kan baritana allaa og. Dhacdooyinka taariikheed waxay muujineysaa meel aan lasoo koobi Karin taarikhda ay ku fadhido, una baahan baadigoob cilmiyeed oo laraadiyo sida kalmada Taleex oo afka yuhuuda loo yaqaqaan Taleh (Laxda ama sabeenta).
Badhawe Aden Hussein
Hussein_26@hotmal.com
Daawo: Video Cusub” Abwaan Reer Khaatumo,ah oo Gabay Ku Kar Baashey Cabdisamad Hurdaaye & Horgalo Kale,
Waxaanu halkan Iidiinku Soo Gudbinayaa Gabay Aad U Qiimo badan Gabaygan Waxaa Loo Tiriyey Abwaan Weyn Oo Reer KhAATUMO,Ah.
Abwaan Ahmed Cabdi Ibraahim “Indho Yare” Waxaa uu Gabaygan Ku cabirayaa Xaaladaha Ka Jira Deegaanada Khaatumo iyo Sidoo kale Shirweynaha Khaatumo,3 Ee Ka Furan Caasimada Taleex.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Abwaaan ”Indho Yare” ayaa Wuxuu Kasoo Jeeda Deegaanada Khaatumo Waxaana Uu Gabaygani Yahay Mid Kusoo Beegmay Xili ay Arimaha Khaatumo Meelo Xaasaasi ah, Marayaan.
Dhagayso:Abwaan Sangub Muxuu Kayidhi Khilaafka Madaxda Soomaliya Iyo Arimadanoo Kale….
Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub oo kamid ah Abwaaniinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee dowladda sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxwaynaha.
HALKAN CODKA RIIX DHAGAYSO
Abwaan ka ayaa ka hadlayay arimaha Khilaafka ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay dhamaystaan arintooda isla markaana wixii ka danbeeya imika Soomaaliya aysan u baahnayn dhibaato ku saabsan khilaaf madaxeed.
Sangub ayaa ku baaqay inaysan soo dhex galin beesha Caalamka khilaafka masuuliyiinta balse loo baahanyahay inay si hoose ku dhamaystaan iyagu.
“Ra’iisul Wasaaraha hadii uu hadlay dareenkiisa ayuu hadlay marka anigu waxaan qabaa in khilaaf aanu jirin hadii khilaaf jirase waa in la raaco Dastuurka sharci baynu leenahay na kala saaraya”sidaasi waxaa yiri Abwaan Sangub
DAAWO:-Hees Lamagac Baxday Khaatumo Iyo Alfanaan Axmed Ceegaag Iyo Midho Dhiiga Kugu Kicinaya
Waa Hees Loogu magac daray Khaatumo Kana Tarjumaysa Quwada Maamulka Khatumo State , uu soo saaray Fanaanka Codka Macaan, Axmed Ceegaag,
Waa hees Miisaaman, Mugga murtida Erayada , hanaanka, Naaxiyadda iyo habdhaca iyo Jabaqda Muusigga waa mid maanka Qof kasta oo Mar maqlaa jabaqda heeska uu macaanso doono, hubantina in uu muudsan doono sidii malab saafiya oo dibnaha loo mariyay.
HALKAN RIIX OO DAAWO VIDEO